Faah faahin ka soo baxaysa dagaal culus oo ka dhacay magaalaad Marka

by Hassan Ali | Saturday, Feb 25, 2017 | 185 views

25,,February,2017(SofoNews) Sida ay xaqiijinayaan dadka deegaanka dagaalkani oo u dhexeeya labo beelood o wada dega magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka qarxay magaaladaasi kaasi oo sababay qasaarooyin iyo barakac shacabka magaaladaasi.
Inkasto aan la xaqiijin karin qasaaraha rasmiga ah ayaa hadana goob joogayaal waxay sheegayaan in ay jirto dhimasho iyo dhaawac intuba ayadoo dad badan ay ka qaxayaan guryohooda.
Ilo wareedyo kusugan halkaasi ayaa sheegay in dagaalka uu yimid kadib markii shalay magaaladaasi dhinac kamid ah dadka isku haya ay dhigeen banaan bax lagu taageerayay R/Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, waxaana ddaka banana baxa dhigayay madaafiic kusoo garaacay dhinac kale.
Magaalada Marka waxaa mudooyinkii lasoo dhaafay ay aheed mid wax xogaa xasiloon, waxaana magaaladaasi horey ula degay dagaal beeleed u dhaxeeya maleeshiyaad kala taabacsan labo beel oo wada dega magaaladaasi.
Hadal haynta bulshada ayaa ah in magacaabista raiisul wasaraha cusub ee Soomaaliya ay beelaha qaar ay ka soo horjeesteen gaar ahaan kuwa ay isku heybta yihiin, balse waxaa siweyn looga taageeray gudaha iyo dibadda dalka.

Like it? Share it!