Faah faahin dheeraad ah ka soo baxaysa Soomaali lagu duqeeyey dalka Yeman

by Hassan Ali | Saturday, Mar 18, 2017 | 114 views

18,March,2017(SofoNews) Waxaa sii kordhaya tirada dadkii ku dhintay duqeymo ka dhacay dalka Yeman oo lagu beegsaday dooni ah saarnaayeen dad Soomaali iyo kuwo kale isugu jiray.
Geerida dadka qaxootiga ee doonta saarnaa ayaa gaartay 42 ruux oo ay ku jiraan haween iyo carruur, waxaana dadkan la sheegay inay ku sii wajahnaayeen wadanka Suudaan.
Warar laga helayo Saraakiil ka tirsan Hey’adda socdaalka adduunka ee IOM ayaa sheegay in qiyaastii 80 ruux la soo bad baadiyay, kuwaasoo saarnaa doonida.
Falaagada Xuutiyiinta Yemen ayaa ku eedeeyay isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga inuu ka dambeeyay duqeyntii lagu laayay qaxootiga Soomaaliyeed.
Meydadka iyo dhaawacyada ayaa la geeyay magaalada Xudeyda ee dalka Yemen oo la sheegay inay aheyd halkii ay ka baxday doonidan.
Dalka Yemen ayaa waxaa ka socda dagaalo sokeeye oo u dhaxeeya mucaaradka xuutiyiinta, dowladda taagta daran ee Yemen oo taageero ka helaya Isbaheysiga dalalka Khaliijka ee uu hoggaamiyo Sacuudiga.
Kumanaan qoxooti Soomaali ah ayaa waxay ka carareen dalkaasi Yeman tan iyo markii dagaaladu ay halkasi ka dheceen.

Like it? Share it!