Faafaahin la xiriirta dagaal ka dhacay Shabeelaha Dhexe

by admin | Monday, Feb 13, 2017 | 173 views

13 Feb 2017 (SofoNews) – Wararka ayaa sheegaya in dagaal xooggan oo ka dhacay deegaanka Qalimow ee gobolka Shabeelaha dhexe uu sababay qasaaro kaasi oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwo al-Shabaab.

Xoogagga al-Shabaab ayaa weeraray saldhig ciidamada dowladda ay ku lahayeen deegaanka Qalimow halkaasi dagaalku uu ka qarxay.

Ugu yaraan seddex kamid ah dhinacyadii dagaalamayay ayaa ku dhintay halka ay dhaawacmeen afar kale oo dadka deegaanka ah sida wararku ay tilmaamayaan.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dhinacyada dagaalamaya ay adeegsadee hub cul culus, hasee yeeshee xaaladda ayaa ah saaka mid deggan.

Xoogagga al-Shabaab ayaa doonaya in ay meesha ka saaraan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Like it? Share it!