Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo katanaasul Musharax madaxweynenimo

by Hassan Ali | Saturday, Feb 4, 2017 | 171 views

4,February,2017(SofoNews) Musharaxan  maanta ka tanaasulay tartanka xilka madaxweynaha oo lagu magacaabo Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa kana soo jeeda Beesha Abgaal Waceysle Cali Gaaf ayaa wuxuu shaaciyaay in uu ka haray tartankaasi madaxweyne ayadoo wararka qaar ay sheegayaan in uu Xasan Sheekh Max’uud u tanaasulay.

Ilo wareedyo ku dhow dhow musharaxa ayaa tilmaamaya in  Musharaxa lagu cadaadiyay in uu tartanka ka haro , waxaana jira balan qaadyo dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo loo sameeyay sida aan kasoo xiganay ilo ku dhaw Musharaxa.

Wuxuu horey uga mid ahaa musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha wuxuuna ahaa shaqsi saameyn ku leh doorashada marka loo fiiryo xulafo haana dhanka Xasan Sheekh.

Waa musharixii ugu horeeyey ee ka tanaasula tartanka tan iyo markii la diwaan geliyaya musharixiinta waxayna imaanaysa ayadoo lagu guda jiro dhageysiga khudbadaha murashixiinta.

Like it? Share it!

Leave A Response