Duulimaad tos ah oo MUqdisho iyo Nairobi ah oo bilowday

by Hassan Ali | Wednesday, Mar 29, 2017 | 69 views

29,March,2017(SofoNews) Waxaa maanta sirasmi ah u bilowday duulimaadkii ugu horeeyey oo si toos uga duula Muqdisho ilaa Niaroobi taasi oo qeyb ka ahaa heshiikii ay wada gaareen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya dhawaan.
Xasan Cali Kheyre ra’iisul wasaaraah Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu furo barnaamijkaasi tooska ah oo dhanka duulimaadyada labada dal.
Soomaalida ayaa inta badan waxay dhibaato kala kulmayeen duulimaadyada Kenya kuwaasi oo la mari jiray garoonka diyaaradaha Wajeer si loo baaro, iyadoo muddo saacad ku dhowaad ah baaritaan adag lagu sameyn jiray, inta aanay Nairobi ka degin.
Dhamaan duulimaadyadii ka bixi jiray magaalooyinka Hargeysa, Boosaaso iyo Kismaayo ee aadi jiray Kenya ayaa bedelkii ay mari jireen Wajeer, wixii hada ka dambeeya soo mari doona magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhawaan nairoobi ku kala saxiixday sheshiis ka kooban dhowr qodob oo kala ah sida tan soo socota.
1. Heshiiska labada dal u dhaxeeya ee JCC oo la cusboonaysiinayo.
2. Laba toddobaad gudahood oo duulimaadyada Muqdisho iyo Nairobi dib loo billaabayo (Wajeer lama soo maraayo)
3. Baasaboorrada Service iyo Diplomatic ee Soomaaliya oo visaha Kenya lagu siin doono ON ARRIVAL ama garoommada Kenya.
4. Kastamka Xudduudaha Beled Xaawo iyo Mandheere oo dib loo furi doono

Like it? Share it!

Leave A Response