Duqeymo madaafiic ah oo qasaare dhaliyaya oo Muqdosho ka dhacay

by Hassan Ali | Thursday, Mar 30, 2017 | 111 views

30,March,2017(SofoNews) Tiro madaafiic ah ayaa maanta ku soo dhacday xaafado kuyaala degmada Warta nabadda ee magaalaad Muqdisho.
Macadda ilaa iyo haatan hadii qasaarooyin ay dhaliyeen duqeymahaasi balse waxaa jira cabsi ay dadka muujinayaan oo ah duqeymahaasi.
Ku dhawaad Shan Madfac ayaa goordhaw la maqlay kuwaa oo loo tuuray dhinaca Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana madaafiicda qaar ay ku dhaceen xaafadaha ka agdhow gudaha Madaxtooyada Soomaaliya.
Ilo wareedyo madaxa banaan ayaa tilmaamaya Inta la ogyahay afar qof oo isugu jira rag iyo haween kamid ah Shaqaalaha Madaxtooyada gaar ahaan kuwa nadaafada iyo karinta raashinka qaabilsan ayaa ku dhawacamay mid kamid ah Madaafiicda oo ku dhacay gudaha Madaxtooyada.
Duqeynta ayaa imanaysaa ayadoo goalha wasiiirada cusub ay kulankoodi ugu horeeyeey ay uga hadlayaan arriamaha amaanka dalka.

Like it? Share it!