Dowladda Soomaaliya oo Xaqiijisay Dilka Hogaamiye al-Shabaab ah

by admin | Sunday, May 7, 2017 | 184 views

7 May 2017 (SofoNews) – Dowladda soomaaliya ayaa markii ugu horeysay sheegtay in ciidamo isbaheysanaya ay dileen sarkaal ka tirsan Alshabaab kaddib howlgal ay ka qeybgaleen askar mareykan ah oo ka dhacay banaanka magaalada Muqdisho.

Weerarka oo ka dhacay deegaan katirsan Shabeelaha Hoose ayay dowladdu war qoraal ah ku sheegtay in lagu dilay macallin Cusmaan Baadil oo ahaa wakiilka Al-shabaab ee Shabeelaha hoose.

Dowladda ayaa dilka hogaamiyahan ku tilmaantay mid tilmaan u ah in ay wiiqantay awoodda al-shabaab oo dagaal kula jira dowladda iyo xulafadeeda.

Ciidamo isbaheysanaya ayaa dhowaan weeraray deegaan ku yaalla Shabeelaha hoose halkaasi oo dhanka kale lagu dilay sarkaal mareykan ah.

Like it? Share it!