Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ciidamo Soomaali ah la geyndoono meelihii ay ka bexeen Itoobiyaanka.

by Hassan Ali | Thursday, Oct 27, 2016 | 135 views

27,Oct,2016(sofoNews) Wasiirka difaaca Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in ay qasab tahay in Ciidamo Soomaali ah la geeyo deegaanadii ay dhowan faarujiyeen Ciidamada Itoobiya

Wasiirla  oo la hadlayey ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay isku tashtaan isla markaana ay garab istaagaan Dowlada Soomaaliya, isagoo  xusay in Xukuumada Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay buuxiso goobaha ay Ciidamada Itoobiya baneeyeen.

Wasiirka Diini ayaa u mahadceliyey Dowlad kasta oo garab istaagtay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, dhanka kale waxa uu wasiirka sheegay in aysan suura gal ahayn in amaanka dalka uu qof kale Wakiil ka noqdo.

Wasiirka Gashaandhiga xukuumada Soomaaliya mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa shacabka ka dalbaday  in ay la dagaalaamaan Alshabaab, isaga oo xusay dhibka ay kala kulmayaan kooxdaasi marka ay ku hoos nool yihiin in uu aad uga yaraan doono haddii ay dhinac uga soo wada jeestaan oo ay iska difaacaan iyaga oo kaashanaaya Dowladooda.

Ciidamada military Itoobiya ayaa isaga baxay deegaano ku yaala gobolada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya 48sacadood ee ugu dambeyeey ayadoo dowladda Itoobiya ay ku micneysay mid ay ku adagtahay bixinta qarshaadka ciidamadaasi maadaama aanay lacago kaga imaanin wadamo kale.

Like it? Share it!