Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday 3 milyen oo dollar oo gurmadka abaaraha loogu talagalay

by Hassan Ali | Monday, Jan 23, 2017 | 154 views

23,January,2017(SofoNews) Shirka jaraa’id oo ay maanta magaalada Cadaado ku qabteen wasiirka arrimaha gudaha dawlada Federaalka Soomaaliya iyo madaxwayne ku xigeenka dawlad goboleedka Galmudug oo ay kaga hadleen xaaladaha abaaraha ka jira deegaanada Galmudug ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ahaa urururada bulshada.

Shirka jaraa’id ayaa lagu sheegay  reer miyiga gobolada Mudug iyo Galgaduud in qaar badan oo ka mid ah xoolihii dhaafeen, haatana loo cabsi qabo nolosha dadka, waakan Diini Maxamed Diini oo ah Gudoomiyaha Daladda SOCENSA oo arrintaas ka hadlaya.

Madaxwayne ku xigeenka dawlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay dadaal sameeyeen una baahanyihiin taageero caalami ah.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in dawladu ay 3-milyan oo Doller ku taageerayso hawlaha gurmadka abaaraha ee dalka ka socdo.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa ka socda dadaalo ay wadaan bulshadu oo lagu saacidayo dadka ay abaartu waxyeelaysan ee ku nool deegaanada Galmudug.

Like it? Share it!