Dowladda Soomaaliya oo ka hadashey diyaarada lagu baaray Wajeer

by Hassan Ali | Wednesday, Apr 5, 2017 | 83 views

5,March,2017(SofoNews) Qoraal ay soo saartay hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya ayaa looga hadlay Labo Diyaaradood oo Shalay ka duulay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho islamarkaana lagu leexiyay Garoonka Wajeer oo lagu baaray Rakaabkii la socday halkaas.
Mas’uuliyiinta hogaanka socdaalka Soomaaliya ayaa Xustay in Diyaaradaha Shalay lagu baaray Wajeer aysan ka diiwaan gashaneyn Duulimaadyada Tooska ah ee Soomaaliya iyo Kenya,taasna ay Sababtay inWajeer lagu baaro.
Hay’adda socdaalka Soomaaliya ayaa sheegtey in “Heshiiskii Taariiqiga ahaa ee Soomaaliya iyo Kenya ee la Xariiray Duulimaadka wax dhaawac ah aanu ku imaanin.
Waxay ugu baaqeen Shirkadaha Maamula Diyaaradaha in ay qaataan Warqadaha Lagama Maarmaanka u ah si aan Qalad kale u dhicin”sidaasina waxaa lagu yiri war ay soo saartay hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya.
Hayeeshee waxaa Arrintaan ay imaaneysaa Xilli Heshiis Rasmi ah ay kala Saxiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo ku aadan in Dib loo howgeliyo Duulimaadyada Tooska ah ee Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi 10 Sano ka dib.

Like it? Share it!

Leave A Response