Dowladda Mareykanka ayaa sharci adag ku soo rogtay shirkadaha duulimaadyada

by Hassan Ali | Tuesday, Mar 21, 2017 | 78 views

21,March,2017(SofoNews) Mareykanka ayaa qorsheynaya in diyaaradaha lala raaco qalabyada korontada ku shaqeeya sida Kaamirooyinka, Laptop iyo Ipad, iyadoo si gaar ah looga mamnuucistan ay u saameyneyso diyaaradaha ka yimaada wadamada bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika.
Go’aanka ay qaadatay dowladda Mareykanaka ayaa saameyn ku yeelan doona sagaal ka mid ah shirkadaha duulimaadyadaku taga 10 garoon oo ku yaala Mareykanka.
Waxaana arrimahaasi saameynkara kamid ah kuwa ka yimaada dalalala kaladuwan oo ay kujiraana, Turkey, Imaaraadka Carabta, Qatar, Masar, Morocco, Sacuudiga iyo Jordan, iyadoo mamnuucistan ay si gaar ah u saameyneyso duulimaadyada tooska ah ee diyaaradaha ka imaanaya magaalooyinka wadamadan.
Waxyaabaha keeney talaabadaasi ay qaadatay xukuumadda Washington ayaa xiriir laleh Sanadkii hore oo diyaarad ay leedahay Shirkadda Daalo Airline oo ka dhooftay magaalada Muqdisho oo waxyaabaha qarxa dhibaatooyin ay ka soo gaareen.
Muddo kusiman 4 maalmood ayaa lafilayaa in Shirkadaha diyaaradaha ay ku dhaqan geliyaan amarkan muddo afar maalmood, waxaana ay noqoneysaa hadii uu hirgelo amarkan kii u horeeyay tan iyo markii Madaxweyne Donald Trump uu xilka qabtay.

Like it? Share it!

Leave A Response