Dowladda Kenya oo war ka soo saartay qasaaraha Alshababa ku gaaray dagaal ka dhacay Jubada Hoose

by Hassan Ali | Friday, Mar 3, 2017 | 85 views

3,March,2017(SofoNews) Kadib dagal xoogan oo ciidamada Amisom gar ahaan kuwa Kenya iyo Alshabaab uu ku dhexmaray deegaano katirsan gobolka Jubada Hoose ayaa markii ugu horeysay dagaaladaasi waxaa ka warbixiyaay saraakiil militari.
Dagaalka oo ka dhacay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose islamarkaana kutaala xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ayaa Saraakiisha Ciidamada Milatariga ee Wadanka Kenya waxay ku sheegeen in Howlgal Qorsheysan oo ay ka fuliyeen Gobolka Jubbada Hoose ay ku dileen ciidamo katirsan ururla Alshabaab.
War ka soo baxay taliska militariga dalka Kenya ayaa lagu sheegey in tirada Alshabaab kaga geeriyootay dagaalkaasi ay gaarayso ilaa 57 Howlgalkaas oo ay ka Gacan siiyeen Kenya Ciidamo Mareykan ah.
Saraakiisha gaashaandhiga dalka Kenya ayaa xusay jab xoogan ay ku gaarsiyeen Alshabaab waxayna intaasi ku dareen in duulaanka uu yimid markii ay heleen xogo ku saabsan meelaha ay Alshabaab ku sugnaayeen.
Majiraan wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al-shabaab iyo Maamulka Jubbaland ee ku aadan qasaaraha dagaalkaasi iyo sida ay wax u dheceen intuba

Like it? Share it!

Leave A Response