Dowladda Kenya oo shaacisay in dad cadaan ah ay qeyb ka ahaayeen dagaalkii Kulbiyow

by Hassan Ali | Wednesday, Feb 1, 2017 | 161 views

1,February,2017(SofoNews) War ay soo saartay dowladda Kenya ayaa kaga hadashay faah faahin ku saabsan qasaarihii askarteeda uu ka soo gaaray weerarakii Alshababa ay ku qaadeen deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose.

Sida laga soo xigtay saraakiisha Kenya, Mid kamid ah askartii ka badbaaday weerarkii 27-ka bishii tagtay ka dhacay Kulbiyow ayaa u sheegay warbaahinta dalka Kenya tafasiil dheeri oo ah ku aadan weerarkaasi isagoona tilmaamay inuu arkaayay dagaalamayaal ajaaniib ah gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalalka Carabta oo si weyn u tababaran marka loo eego sida ay dagaalka uga qeyb qaadanayeen.

Askarigaasi waxa uu shaaca ka qaaday in dagalamayaasha ajaanibta ahaa ay ku hadlaayeen luuqa Carabiga sida uu u sheegay wargeysa the Star.

Wuxuu sheegey in Iyagoo u socda sidii mowjadaha oo kale ay soo weerareen saldhigooda Kulbiyow  taasi oo keentay isku dhac dhexmaray labada dhinac.

Sidoo kale Dowlada Kenya ayaa sheegtay in Dagaalyahano u dhashay Kenya iyo Tansaaniya ay Weerarka Fuliyeen sida uu sheegay Sirdoonka Kenya

Like it? Share it!