Dowladda Keny aoo ku hanjabtay in ciidamadeedu ay kala baxayso Suudaanta Koonfureed

by Hassan Ali | Thursday, Nov 3, 2016 | 226 views

3,November,2016(SofoNews) Ilo wareedyo laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay qorsheynayso  inay ciidamadeeda kala soo bexeyso dalka Suudaanta Koofureed halkaasi oo ay u joogaan howlaha nabad ilaalinta.

Go’aanka dowladda Kenya ayaa ka dambeyeey kadib markii  taliyaha Ciidamada nabad ilaalinta oo Kenya u dhashay  oo ku sugnaa dalka Suudaanta Koonfur ay QM xil ka qaadis ku sameysay.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa lagu sheegay in shaqa ka fariisinta Janaraal Johnson Mogoa Kimani Ondieki, aysan lahayn daahfurnaan iyo cadaalad.

Taliyahaasi waxaa Talaadadii shaqada ka ceyriyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey kaasi oo lagu eedeyey in uu ugudan wayaay xilkii loo dhiibtay si wanaagsan islamarkaana ay halkaasi ka dheceen falaal xadgudubyo ah.

Shaqada in laga tiro waxay ka dhalatay baaritaan la sameeyay oo lagu ogaaday in ciidamada nabad ilaalinta ay diideen inay caawiyaan dad rayid ahaa oo ku sugnaa duleedka dhismo gargaar.

Bishii July ayaa shacabka dalkaasi waxaa ay weerar kala kulmeen ciidamada dowladda Suudaanta Koofureed, sida warbixinta lagu xusay Kenya waxay ka mid tahay dalalka ciidamada ugu badan ugu deeqay howlgalka nabad ilaalinta Suudaanta

Like it? Share it!