Dowladda Jarmalka oo Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan 70-milyan oo Yuuro

by Hassan Ali | Monday, May 1, 2017 | 93 views

1,May,2017(SofoNews) Xasan Cali Kheyre ra’iisul wasaraaha xukuumadda Soomaaliya ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefdi uu hogaaminayo Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Jarmalka Mr Sigmar Gabriel oo booqasho ku yimid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Wefdiga iyo ra’iisul wasaare Kheyre ayaa kulankoodii uga hadlay xoojinta xiriirka labada dal ,gaar ahaan iskaashiga labada dowladood  iyo wax ka qabashada dhinacyada amniga iyo xaaladaha abaaraha ayadoo dowladda Jarmalka loo jeediyay in ay ka caaiwso Soomaaliya dhinacyo badan.

Mr SignarGabriel ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Jarmalka,ayaa sheegay in dowladda Jarmalka ugu deeqday Soomaaliya lacag dhan 70-milyan oo Yuuro

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre  ayaa ka mahadceliyay lacagahaasi deeqda ah,isagoo ku booriyay in dowladda Jarmalka ay halkaasi ka sii wadaaan taageeridda dadka Soomaaliyeed

Socdaalka wefdiga R/wasaare ku-xegeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Jarmalka  ku yimaadeen Soomaaliya ayaa qeyb ka dadaalka beesha caalamka ugu jirto garab istaaga Dowaladda Federaalka Soomaaliya iyo wax ka qabashada xaaladaha Abaareed ee kajira Dalka .

 

Like it? Share it!