Dowladda Itoobiya oo safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya

by Hassan Ali | Thursday, Mar 9, 2017 | 130 views

9,March,2017(sofoNews) War ka soo baxay dowladda Itoobiya ayaa lagu shaacisyaay safiir cusub oo dowladda dalkaasi ay u soo magacawday Soomaaliya Dowladda Itoobiya ayaa Danjire cusub u soo magacowday Soomaaliya, kadib markii uu waqtigiisa dhamaaday Danjirihii hore ee Dowladda Itoobiya u joogay Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Sida lagu daabacay wakaaladda wararka dalka Itoobiya, Mulatu Teshome Madaxweynaha Dalka Itoobiya ,ayaa warqad ka soo baxday Xafiiskiisa loogu magacaabay Danjiraha cusub ee Itoobiya u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.
Dowladda Itoobiaya ayaa horey waxaa ka joogay Soomaaliya danjire Jamaaludiin Mustafa Cumar oo in muddo ah soo shaqeynayaay waxaana uu si rasmi ah ugu wareejinaya shaqadaasi safiirka cusub.
Sidoo kale Jamaaludiin Mustafa Cumar, ayaa sidoo kale Dowladda Itoobiya waxa uu u yahay Wakiilka gaarka ah ee Dowladda Itoobiya u qaabilsan arrrimaha Soomaaliya, wuxuuna shaqadan kala wareagayaa C/Casiis Axmed Aadan.
Dowladda Itoobiya oo kamid ah wadamada dersika la ah Soomaaliya waxay galaangal xoogan ay ku leedahay arrimaha Soomaaliya ayadoo dhinacyada amaanka iyo siyaasadda ay ugu horeyaan.

Like it? Share it!

Leave A Response