Dowladda Imaaradka Carabta oo dhaqaale ku yaboohday gar gaarka Soomaaliya

by Hassan Ali | Sunday, Apr 23, 2017 | 79 views

Deeqdan lacagta oo ay iska soo uruuriyeen shacabka Imaaraadka Carabta ayaa loogu talagalay dadka Soomaaliyeed oo ay abaaruhu saameeyeen kuwaasi sida uu sheegey Safiirka dalka Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) ee Soomaaliya Mudane Mohamed Al-Othman oo Muqdisho kula kulmay mas’uuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Eng.  C/raxmaan Cumar Cismaan Yarisow ayaa uga mahadceliyey safiirka booqashadiisa Wasaarada Warfaafinta, isagoo lagu soo wareejiyey xarunta SNTV iyo Keydka Raadiyo Muqdisho. Sidoo kale Eng. Yarisow ayaa safiirka uga mahadceliyey dadaalka dalka Imaaraadka ee ku aadan u gurmadka abaaraha oo Bisha Cas ee Imaaraadka ay maalmahan dalka gudihiisa ku qeybinayeen raashin gar-gaar ah oo la gaarsiiyey dadka abaarahu ay saameeyeen.

Eng. Yarisow “Waxaan si gaar ah uga mahadceliyey shacabka iyo Dowlada Imaaraadka yaboohii ay Telefishinada dalka Imaaraadka ka sameeyeen maalintii Jimcaha 21kii April oo ay muddo lix saax ah ku ururiyeen lacag dhan 167 milyan UAE Dirham oo u dhiganta 45 milyan dollar. Tani waxey na tuseysaa in Imaaraadku ay yihiin wallaalo u naxay shacabka Soomaaliyeed oo si hagar la’aan ah u doonaya inay u garab istaagaan. SNTV waxuu ku guuleystay inuu si toos (live) ah yaboohaas ugu soo tabiyey shacabka Soomaaliyeed. “

Safiir Imaaraadka ee Soomaaliya  Mohamed Al-Othman ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarinta warbaahinta dalka, gaar ahaan sidii suxufiyiinta Soomaaliyeed loo kordhin lahaa aqoontooda, xirfadooda iyo waayo-aragnimadooda kadib kulan ay wada yeesheen wasiirka warfaafinta

Like it? Share it!

Leave A Response