Dowladah Kenya iyo Itoobiya oo hub sharci daro ah Soomaaliya soo geliyay 48 sacadood ee la soo dhaafay

by Hassan Ali | Thursday, Feb 16, 2017 | 199 views

16,February,2017(SofoNews) Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladaha Itoobiya iyo Kenya ay bilaabeen in hub sharci daro ah ay soo geliyaan qeybo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya.
Hub noocyo kala duwan leh ayaa la sheegey in dowladda itoobiya ay geysay qeybo kamid ah gobolka Jubadda hoose kaasi o la sheegey in lagu wareejiyay sarkaal hore uga tirsanaa Jabhaddii Raskambooni ee Jubbooyinka.
Karaar adan Rukow oo ah sarkaal u dhaq dhaqaaqa arrimaha bani’aadanimada ayaa SomaliaFocus u  xaqiijiyay wararkaasi isagoo xusay in deegaano katirsan gobolka Gedana ay dowladda Kenya huba ay gaysay.
Macadda ilaa iyo haatan ujeedada arrintani, mana jiraan warar ka soo baxaya mamaulka Jubbaland iyo dowladda Soomaaliya ee ku aadan arrintani.
Dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo dersi la ah Soomaaliya ayaa ka sokow xiriirka waxay Soomaalia ay u arkaan in ay ka fushankaraan dano gaar ah.
Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka dhexeeya muran ku aadan dhanka xuduudaha badda iyo beriga taasi oo bilihii u dambeeyey siweyn loo hadal hayay.

Like it? Share it!