Dowladad Soomaaliya iyo maamul goboleedyada oo Muqdisho shir uga furmaya

by Hassan Ali | Friday, Apr 14, 2017 | 123 views

 14,April,2017(SofoNews) Wefdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo gaaray magalaad Muqdisho ayadoo sidoo kale ay ku soo wajahanyihiin madaxda dowlada goboleedyada. Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxaa soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan DFS oo uu horkacayey Wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa, xildhibaano, Siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda Soomaaliya ayaa Shirka uga furm,aya magaalaad Muqdisho kaasi oo ku saabsan xoojinta xiriira ka dhexeeya Dawladda Fadaralka iyo dhammaan Dawladdaha xubnaha ah, Amniga guud ee dalka iyo sidoo kale shirka dhowaan ka dhici doona maalada London ee waddanka UK oo lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya. Waxaa lafilaya sidoo kale magaalada Muqdisho in ay soo gaaraan mas’uuliyiinta kale oo katirsan dowlada goboleedyada dalka si ay qeyb uga noqdaan shirkaasi oo dhawaan ay martigelindoonto dowladda Britain.

mi4 mi5 mi6 mi7 mi8 mi9

Like it? Share it!

Leave A Response