Doorashooyinka aqalka hoose oo markii ugu horreysay ka bilowday magalaad Jowhar

by Hassan Ali | Wednesday, Nov 16, 2016 | 237 views

16,November,2016(SofoNews) Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Wajigiisa  koowaad ee ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabaneysa magaalada Jowhar, iyadoo illaa 13 kursi lagu tartami doono.

Kursiga koowaad ee Aqalka Hoose ayaa waxaa ku tartami doona Khadiijo Maxamed Diiriye oo tan iyo sanadkii 2000 xilligii dowladii Carte soo aheyd Xildhibaan iyo C/llaahi Maxamuud Xayl

Sidoo kale doorashada ugu adag Kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Warsangeli Abgaal ayaa waxaa ku tartami doona C/qaadir Cali Cosoble, Muxiyaddiin Xasan Jurus iyo Xuseen Raagge Shiraar.

Kursigan ayaa lagu tilmaamay kursiga ugu adag ee doorashada aqalka Hoose ee Hirshabeelle, maadaama musharaxiinta is haya ay dhaqaale fara badan ku bixinayaan hanashada kursigaas.

Sidoo kale magaalooyinka BAydhabo, Cadaado, Kismaayo iyo Garowe ayaa weli waxaa ka soconaya doorashooyin kuwan lamid ah.

 

Like it? Share it!

Leave A Response