Doorashadii Farmaajo Maxay kaga duwanayd kuwa kale, Danjire Keating ayaa ka jawaabaya

by admin | Monday, Feb 13, 2017 | 181 views

13 Feb 2017 (SofoNews) – Wakiilka xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay howlaha horyaala madaxweyne Farmaajo, doorashadii dhacday iyo mustaqbalka Soomaaliya waxay tiigsaneyso.

Wareysi lala yeeshay ayaa Caasimada Online ay idiin tarjumtay, wuxuuna u dhacayaa sida tan.

Su’aal: Mudane ka waran doorashadii ka dhacday Muqdisho ee uu kusoo baxay Farmaajo?

Jawaab: Tani waxay timid kadib doorashadii baarlamaanka, Soomaali badan ayaa ka walwalsan inta uu ka leg yahay musuq maasuqa ka jiray hanaankii doorashada, waxaan dhahayaa taasi waa humaaga doorka lacagta ee ka jira dhaqaalaha siyaasadeed ee Soomaaliya.

Doorashada ma aysan sababin musuq maasuqa doorashada waxay ka tarjuntay doorka lacagta iyo sida awooda ay u shaqeyneyso.

Hanaankaan wuxuu leeyahay xoogaa natiijo aad u wanaagsan, ugu horeyn ma aysan carqaladeyn Alshabaab waxay aheyd mid ka fog qalalaaso, tan labaad xubno aqalka sare ah ayaa qeyb ka ahaa.

Xubnahaasi waxaa lagu dhisay inay aasaas u yihiin dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, wtaasi waa muhiim, ma ahan qabiil laakiin dowlad goboleedyada ayay matalayeen.

Tan seddexaad dad aaad iyo aad u badan ayaa ku lug lahaa, sanadkii 2012 ee la doortay Xasan Sheekh, 135 oday dhaqameed Rag ah ayaa soo doortay 275 xildhibaan, laakiin waqtigan dad aad u badan ayaa soo doortay xildhibaanada oo gaaraya 51 xubin, waxaana mid ka mid ah 51 daasi soo dooranayay dad badan oo ay matalayeen, sidaasi daraded dad aad u badan ayaa ka qeyb galay.

Sidaasi oo kale 25% xildhibaanada baarlamaanka waa Dumar, waxaan u malaynayaa siyaasada wey isbadashay,  mana ahan in dib loo laabanayo, sidaasi daraadeed waxaa jira natiijooyin wanaagsan oo doorashada la xiriira.

Baarlamaanka waa dhalinyaro, kala duwan xitaa waxan u malaynayaa waa dad soo wada jeeda oo awood leh.

Hada su’aasha waxay tahay iyadoo laga eegayo hanaanka socda, waxaan la helay madaxweyne, haddii la sameeyo sharciyeynta wasiiradiisa waxaan u malaynayaa in marxalada looga gudbi doono dhibaatooyin badan oo dalka ragaadiyay, tan koowaad waa ABAARTA, sideen kaga hortagnaa abaartaasi, inaytaysan macluul isku badalin.

Waxaan doonaynaa inaan la shaqeyno dowladda cusub, masuuliyiinta dowladdaha hoose, hay’addaha gaarka ah, iyo ururada bulshada rayidka, si looga hortago in abaarta heerkaasi gaarto.

Tan labaad waa xalinta qilaafaadyada, waxaa jiro isku dhacyo badan oo gudaha Soomaaliya ah, oo u dhaxeey qabiilada, dowlad goboleedyada waxaana waajib nagu ah inaan xal u helnaa.

Tan seddexaad inaan isku raacno  dhameynta qabyada Dastuurka lana cadeeyo, muxuu yahay xiriirka u dhaxeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, xiriirka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, xiriirka u dhaxeeya aqalka sare iyo golaha shacabka, dhamaan arimahaasi ayaa xal u baahan oo ay ku jiraan sida daqliga iyo qeyraadka loo qebsanayo,Haddii shidaal ama Saliid la soo saaro  yaa dajinaya hanaanka sare, yaa dajinaya booliska iyo ciidanka dhamaan waxyaabahaasi ayaa u baahan in la xaliyo.

Ugu dambeyn aragtideyda dhaman Soomaalidana wey ii sheegeen Soomaalida way ku guuleysanayaan madaxbanaanidooda haddii Soomaaliya ay tahay dal madax banaan waa inay kor u qaadaa dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha waa in la dhisaa kaabayaasha dhaqaalaha, in dadka helaan adeegyadooda iyo in ciidamada amaanka la wanaajiyaa, taasina waa caqabaha xiga ee Soomaaliya.

Like it? Share it!