Doorashada madaxweynaha Galmudug oo la muddeeyey

by Hassan Ali | Tuesday, Feb 28, 2017 | 102 views

28,February,2017(SofoNews) Tan iyo markii uu iscasilay madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa waxaa sii kordhayay hadal hayn laxiriirta hogaanka madaxtinimo ee maamulkaasi.
Guddiga Doorashada Maamulka Galmudug ayaa Sheegay in Doorashada Madaxtinimo Ee Maamulkaasi Galmudug la qabanaayo 21-ka Maarso.
Qaban qaabo ku aadan qabsoomidda doorashadaasi ayaa ka soconaysa magaalaad Muqdisho iyo magaalaad Cadaado oo ay joogaan siyaasiin galaan gal ku leh dhismaaha maamulkaasi.
Waxaana Uu Guddiga Sheegay in Doorashada ay ka qeyb Gali doonaan Maamulka Ahlusunah waxaana uu Guddiga Shaaciyay in 17 __ 19 ka bisha Maarso Gudeheeda la Dhageysan Doonaan Khudbadaha ay jeedin Doonaan Musharixiinta U taagan Xilka Madatinimo Ee Maamulkaasi Galmudug.

Like it? Share it!

Leave A Response