Doorashada madaxweynaha Galmudug oo hortaagan magacaabista raiisul wasaaraha Soomaaliya

by Hassan Ali | Monday, Feb 20, 2017 | 168 views

20,February,2017(SofoNews) Ayadoo shalay ay ku beegnayd waqtigii loobalamay qabashada doorashada madaxweynaha Galmudug ayaa la sheegayaa in dib u dhac ku yimid doorashada.

Xildhibaan Saalax Axmed Caynte oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa sheegay in dib loo dhigay doorashadii Madaxweynaha maamulka Galmudug sababao aan la shaacin balse u muuqda in ay siyaasad laxiriirto.

Waxaa uu sheegay in dalka uu wali ku jiro xaalad kala guur ah , islamarkaana waqtigaan aan la dooran karin Madaxweyne.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale tilmaamay marka lasoo magacaabo Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ka dib in ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Horay ayaa xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug ay u sheegeen in ay xilkii ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed inkastoo uu xilka qaadistaasi Guuleed uu ku tilmaamay sharci daro.

Madaxweynaha xilka laga qaaday ee Galmudug ayaa dhankiisu sheegey in uu aysan sharci ahayn xil ka qaadistaasi lagu sameeyey.

Like it? Share it!