Doorashada Kursigii dib loogu celiyay Hir-Shabeele oo Muqdisho ka dhacaysa

by Hassan Ali | Saturday, Feb 4, 2017 | 145 views

4,February,2017(SofoNews) Ayadoo qeybo kamid ah gobolada dalka ay ka socodaa dib u doorashada kuraastii lagu celiyaya ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagu dooranaya kursigii lagu celiyaay Hir-Shabeele.

Doorashada maanta waxaa ku Tartami doona illaa Lix Musharax oo Labo ay Dumar tahay islamarkaana uu ku jiro Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo horay ugu Guuleeystay Kursigaan inta aan dib loo celin.

Maamulada dib loogu celiyaay kuraasta qaar ayaa waxaa kamid ah  Puntland,Galmudug,Koofur Galbeed,Jubbaland iyo Hirshabelle kuwaasi oo qaar kood dib loo soo doortay xubnihii lagu celiyay.

Lama saadaalin karo cidda ku soo bixidoonta doorashada kursiga HirShabeele balse waxaa la hadal haya wasiirka dhalanyarada iyo ciyaaradaha dowladda Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response