Doorashada guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya oo saaka Muqdisho ka dhacaysa

by Hassan Ali | Wednesday, Jan 11, 2017 | 170 views

11,January,217(SofoNews) Qaban qaabo ku aadan doorashada guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya ayaa haatan waxaa laga dareemaya Xarunta ay ku shiraan Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa waxaa u Sharaxan Afar Mas’uul oo uu ku jiro Guddoomiyihii Baarlamaanka Waqtigiisii uu dhamaaday Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Waxaa muuqanaysaa in Doorashada Maanta ay tahay mid aad u adag, ayadoo ay goobjooge ka ahaanayaan wakiilo ka kala socoda beesha caalamka si ay ula socodaan habsami u socodka doorashada.

Amaanka magaalaad Muqdisho ayaa siweyn loo adkeeyeey,waxaana Xiran Wadooyin Muhiim ah oo ay ku jiraan kuwo aan horay loo xiri jirin loomana Ogola Gaadiidka,balse Dadka ayaa lagtooda Maalaya.

Maalinti beri ah ayaa Sidoo kale la filayaa in ay dhacdo Doorashada Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad  iyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad.

 

Like it? Share it!

Leave A Response