Doorashada aqalka sare oo si toos ah uga soconaysa magaalada Jowhar

by Hassan Ali | Wednesday, Nov 9, 2016 | 187 views

9,November,2016(SofoNews)|Munaasabdda doorashadii Xubnihii Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya u matali lahaa HirShabeele ayaa  Maanta ka bilaabatay Caasimadda Maamul-goboleedka Hirshabeelle ee Magaalada Jowhar.

Doorashada Aqalka sare ayaa waxaa ku tartamaya Musharaxiin badan, waxaase laga arabaa 8 Xildhibaan oo u Masla Maamulka Hirshabeelle Aqalka sare ee Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Inta badan Maamul-goboleedyadu waa ay soo gudbiyeen Xildhibaanadii u matali lahaa Aqalka sare, iyadoo hadda ku gudajira sidii ay soo gudbin lahaayeen Xildhibaanada Aqalka hoose ee Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaana la filayaa in xiliyada soo socda ay soo bixi doonaan xubnihii ugu horeeyey ee xildhibaanada HiShabeeel.

Like it? Share it!