Doorashada madaxweynaha oo saaka loo dareerey

by Hassan Ali | Wednesday, Feb 8, 2017 | 150 views

8,February,2017(SofoNews) Qaban qaabadii ugu dambeysay doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo haatan ka soconaysa magaalalada Muqdisho ayadoo holka doorashada lagu so qulqulayo.

Ilaa iyo hataan waxaa miiska saaran 22 Musharax oo uu ku jiro Madaxweynaha Hadda Talada Haya Xasan Sheekh Maxamuud kuwaasi oo xalay si aad ah ugu mashquulsanaa sidii xildhibaanada ay codka kalsoonida uga heli lahayeen..

329 Mudane oo isugu jira Labada Aqal Ee Barlamaanka ayaa Codka siin doona Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya ay yeelan doonto Afarta Sano ee soo socota.

Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Xildhibaan C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in awaamiir cusub oo hananka doorashada ah la soo saaray taasi oo ah in wax qalab ah aan lala gelikarin holka xita mobilada.

Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay,waxaana Xiran Guud ahaan Wadooyinka Muqdisho ayadoo goobta doorashadu ay ka dhacayso amingeedu siweyn loo sugayo.

Sidoo kale Saaka waxaan shaqeyneyn Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho oo Duulimaadyadii laga Xanibay kadib markii dowladda Soomaaliya ay joojisay duulimaadyadii diyaradaha maadama dalka uu doorasho galayo.

Like it? Share it!