Doorahsada xildhibanaada matalaya gobolada Waqooyi oo gebo gebo maraysa

by Hassan Ali | Thursday, Dec 22, 2016 | 226 views

22,December,2016(SofoNews) Waxaa heer gebo gebo ah maraya doorashada xildhibaanada golaha shacabka u matalaya gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, ayadoo Magaalada Muqdisho maanta lagu soo doorta 4 xubnood.

Xubnaha maanta la doortay ayaa waxaa kamid ah Xildhibaano gaaraya 4 xildhibaan, kuwaasi oo magacyadooda ay kala yihiin,Biixi Iimaan Cige oo heshay 47-cod.Cabdirisaaq Daahir Maxamuud oo helay 49-cod.iyo Saciid Maxamed Maxamuud oo helay 43-cod iyo Xuseen Carab Ciise oo isna helay 47 cod.

Dhanka kale waxaa dhawaan lagu wadaa in ay bilaabato doorashada xildhibanaad aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya u matalaya gobolada Waqooyi.

Xareynta Ergada soo dooranaysa xildhibaanada ayaa soconaysa, ayadoo dhanka kale aan jirin go’aan laga soo saaray shirma madasha wadatashiga oo Muqdisho ka soconayay.

 

Like it? Share it!