Dooni sidda Ku dhawaad 200 oo qoys oo qoxooti Soomaliyeed oo ka yimid Yeman o ku soo wajahan Soomalaiya.

by Hassan Ali | Monday, Mar 6, 2017 | 95 views

6,March,2017(SofoNews) Qoysaskani oo kamid ahaa dadkii ku go’doomay dalka Yeman markii dagaaladu ay ka qarxeen ayaa in muddo ah ku xayirnaa dalkaasi Yeman kuwaasi oo lafilayo in dhawaan ay soo gaaraan dhulkoodi hoyo.
Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya magaalaad Cadan ee dalka Yeman ayaa sheegaya in dadkaasi doonidii siday ay ka soo shareecatay xeebaha dalkaasi isagoo xusay in dhawaan ay ku soo wajahantahay Soomaaliya.
Dhanka kale dalka Yemen ayaa sheegay in dad ku dhow 137-qof oo qaxooti Soomaali ah ay mareen Badda kuwaasi oo la sheegay inay ka degan doonan dekada magaalada Berbara e degaanada maamulka Somaliland.
Afhayeen u hadlay booliska Cadan Cabdiraxman Alnaqiib ayaa sheegay in 137-qof oo qaxooti Soomaali ah ay kasoo baxeen Dekada magaalada Cadan kuwaasi lagu wado saacadaha soo socda inay soo gaaran dekada magaalada Berbara ee Soomaaliya waxana ay qeyb ka tahay dib u soo celinta dadka ku go’doonsan dalkaasi yemen ay hay’ada IOM iyo Sacuudiga ka qeyb qaadanayaan dib ugu soo celintooda Soomaaliya.
Tan iyo markii dagaaladu ay ka qarxeen dalka Yeman waxaa ka soo baxay dalkaasi qoxooti badan oo Soomaali ah kuwaasi oo in muddo ah kunoolaa dalka Yeman
Mas’uul u hadlay qunsuliyada Soomaaliya ee Yemen ayaa sheegay in dufcadii sedexaad ay yihiin dadkaan hada kasoo amba baxay Yemen waxana qorshaha dib u soo celinta ku jira ku dhawad 2500qof oo qaxooti Soomaali ah.

Like it? Share it!