Dooni si sharci daro ah u kalluumeysanaysay oo laga qabtay xeebaha Galmudg

by Hassan Ali | Sunday, Jan 8, 2017 | 186 views

8,January,2017(SofoNews) Wararka  ay SomaliaFocus ka heleyso deegaanada Galmudug ayaa sheegayaa in Ciidamada Ilaallada Xeebaha Soomaaliyeed ee Galmudug ay doonidaan laga lahaa Dalka Yemen oo ay Saar Nayeen 39 bad-maaxiyiin u dhashay Yemen iyo nin Soomaali ah ka qabteen deegaanka Labad oo 30-km kaga beegan Dhanka Bari Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug  halkaas oo ay ka wadeen Kalluumeysi Sharci Darro ah.

Taliye ku xigeenka Ciidamada Badda Dowlad Gobolleedka Galmudug Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa u sheegay Warbaahinta in labo ka mid ah Bad-maaxiyiintii Saarnaa Doonidaas laga lahaa Yemen uu soo gaaray Dhaawac, iyagoo hadda la dabiibayo.

Sidoo kale waxaa la xiray dhamaan ragii kale ee saarnaa Doonidaasi waxaana ku socda Baaritaan sida ay sheegeen saraakiisha Dowlad gobaleedka Galmudug.

Mudooyinkii ugu dambeeey waxaa si weyn loo adkeyeey amaanka xeebaha deeganaada Galmudug tan iyo markii maamul loo dhisya deegaanadaasi

Like it? Share it!