Donal Tump iyo qoyskiisa oo oo degey Aqalka Cad ee Mareykanka iyo qoyska Obama oo diyaarada military lagu qaaday

by Hassan Ali | Saturday, Jan 21, 2017 | 146 views

21,January,2017(SofoNews) Brack Ibrahim Husein Obama madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka ayaa s xilka si rasmi ah ugu wareejiyay Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump, ayadoo madaxweyne Obama iyo qoyskiisa ay   macsalaameeyeen xarunta Aqalka cad ay ku noolaayeen mudo 8-sano ah.

Munaasabad xil wareejinta oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin iyo dadweyne aad u fara badan ayaa Brack Obama iyo Xaaskiisa ayaa markii ay soo dhamaatay munaasabada waxaa diyaarad milatari ka qaaday magaalada Washington, waxa ayna si rasmi ah ugu guureen qasriga cusub ee loogu tala galay in ay ku noolaadaan.

Qaar badan oo kamid ah Taageerayaasha Obama ayaa iyaga oo sacbinaya sii macsalamaeeyay , waxaana xarunta Aqalka cad si rasmi ah u degay lana wareegay Madaxweynaha 45-aad ee dalka Mareykanka Donald Trump.

Bulshada Mareykanka ayaa siweyn u hadal haya waxyaabaha uu la imaankaro madaxweynaha Cusub ayadoo ay jiraan cabsi laga qabo siyaasaddiisa maadaam uu horey u jeediyaay hadalo hanjabaadyo u badnaa.

Balse Mr Trump ayaa balanqaaday in bulshada Mareykanka uu si isku mid ah ula dhaqmi doono islamarkaana xushmayndoono midnimada Ameerica.

Like it? Share it!