Donal Trump oo wajahaya siyaasad adag

by Hassan Ali | Friday, Feb 10, 2017 | 152 views

10,February,2017(SofoNews) Waxaa sii kordhaya aqabadaha horyaala dhaqan galka go,aanadii madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump kadib markii ay diiday racfaan uu qaatay Donal Trump.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in Dib u dhicii ugu dambeeyay ee arrimaha sharciga uu Madaxweyne Trump kala kulmay Maxkamada federaalka darajada sagaalaad ee racfaanka Mareykanka taasoo diiday in amarkii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu uga mamnuucay qaxootiga iyo muwaadiniinta kasoo jeeda 7 wadan oo ka mid ah dalalka Islaamka ineey soo galaan Mareykanka.

Arrintani ayaa siweyn u dhiiro gelisay dareenka bulsho badan oo kunool dalka Mareykanka iyo guud ahaan caalamka kuwaasi oo ka walaacsanaa go,aanka madaxweynaha cusub.

Guddi ka koobnaa sadex garsoore oo ka tirsan Maxkamada federaaliga ee Racfaanka ee magaalada San Francisco ayaa si wada jir ah u diiday racfaan ay Waaxda Caddaalada Mareykanka ka qaadatay todobaadki hore go,aanki garsooraha maxkamada Seattle James Robart uu ku hakiyey g,aankii madaxweynaha.

Hadal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka oo kaga jawaabay go,aanka maxkamadda, ayuu madaxweyne Trump ku yiri:”Waxaan isku arki doonnaa maxkamada, amniga wadankeena wuxuu ku jiraa khatar,”Waxa kale oo uu sheegay in ugu danbeyntii uu maamulkiisa kuguuleysan doono kiiska.

Dhanka kalana, xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada gobolka Washington, Bob Ferguson ayaa shir jaraa,id oo uu ku qabtay magaalada Seattle wuxuu ku sheegay in Mareykanka uu yahay dal leh sharci, qaanuunkana uu qabto dhamaan dadka oo dhan oo uu ku jiro madaxweynaha.

Like it? Share it!