Donal Trump oo ku guuleytay madaxtinimada Mareykanka

by Hassan Ali | Wednesday, Nov 9, 2016 | 143 views

9,November,2016(SofoNews) Doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday Mareykanka yaa ku guuleystay Donal Trump oo xilka kala wareegi doono madaxweyne Obama kaddib markii uu Hillary Clinton uga guuleystay 276 cod.

Mr Trump Guusha ayaa loo arkaa mid taariikhi ah waxa ayna ka fajicisay dad badan oo filayay in Hillary Clinton ay ka guuleysan doonto maadaama uu ku cusub yahay siyaasadda isla markaana lagu bartay hadallo qallafsan oo ka careysiiyay dad badan oo Mareykan ah.

Trump ayaa ku guuleystay codbixinta gobollada muhiimka ah ee sida Florida, Ohio, North Carolina iyo Iowa.

Waxa uu sidoo kale codad badan ka helay gobollada kale ee Pennsylvania, Michigan iyo Wisconsin.

Taageerayaasha Trump ayaa dabbaaldegyo ka dhigayay qaybo badan oo ka tirsan dalka Mareykanka halka xarunta ololaha doorashada ee Clinton ay murugo ka muuqatay.

Xisbiga jamhuuriga ayaa sidoo kale ku guuleystay inta badan kuraasta aqalka wakiilada iyo kan sare ee “senetka”.

Madaxweynaha la doortay ee mareykanka Donald Trump ayaa ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada New York.

 

Like it? Share it!

Leave A Response