Donal Trump oo ka horreya Clinton

by Hassan Ali | Wednesday, Nov 9, 2016 | 199 views

9,November,2016(SofoNews) Doorashooyinkii madaxtinimo ee Mareykanka ayaa heergebo gebo ah maraya tirinta codadkooda ayadoo Donald Trump uuguulo aan la fileyn ka soo hoynaya Gobolada Mareykanka, isagoo ka hormaray Hillary Clinton, waxaana wali is bed bedelaya natiijooyinka cododka laga dhiibtay gobolada oo wali la sugayo gobolo badan.

Natiijooyinka hor dhaca ah ayaa sheegaya in Mr Trump uu ku guuleystay illaa 23 Gobol, halka Hillary Clinton ay ku guuleystay 16 Gobol, waxaana Trump uu si aan la fileyn uga guuleystay gobolo la filayay in Hillary Clinton ay ku guuleysan doonto.

Donald Trump ayaa helay 232 cod, halka Hillary Clinton ay heshay 209, waxaana labadooda laga doonayaa inay gaaraan 270, si midkood ugu guuleysto doorashada Madaxweynaha Mareykanka.

Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ayaa 38 cod kaliya waxaa ay uga harsan tahay 270, waxaana hadii uu xaqiijiyo ay noqoneysa in Mr Trump ku guuleysto.

Labada Musharax ayaa dhaq dhaqaaqa doorashada iyo natiijooyinka marba is bedelaya waxay ka kala socdaan magaalada New York.

 

Like it? Share it!