Donal Trump oo balan qaaday kordhinta miisaaniyada difaaca

by Hassan Ali | Tuesday, Feb 28, 2017 | 144 views

28,February,2017(SofoNews) Warbixin ay daabacday wakaaladda wararka ee AP ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in Militariga Mareykanka kordhin doono taageerada iyo Xoojinta dhinaca Militariga ah Ciidanka Qaranka Soomaaliya si ay u baabi’yaan Qatarta Al-shabaab.
Madaxweynaha wadanka Mareykanka Donal Trump ayaa balan qaaday in la kordhin doono miisaaniyadda uu ku shaqeynayso wasaaradda difaaca ee Mareykanka taasi oo uu ku sheegey in ujeedkeedi uu yahay horumarinta ciidanka militariga dalkaasi.
Sarkaal Sare oo ka tirsan waaxda Difaaca ee Mareykanka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in ciidamada Mareykanka ay kordhin doonaan taageerada dhinaca amniga ee ay ciidamada Mareykanka siiyaan Ciidanka Soomaaliya.
Sarkaalkan ayaa sheegay in Mareykanka ay ka go’an tahay in la cirib tiro kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab sidaa darteedna ay garab weyn siin doonaan ciidanka Milatariga Soomaaliya.
Dhawaan ayuu sheegey madaxweyne Trump in uu doonayo in Mareykank uu ka dhigo wadan ku horeeya dhanka difaaca iyo hubka Nuclearka taasi oo dhalisay hadayn ku aadan heshiiskii caalamiga ahaa ee ka hortaga fiditaanka hubka Nuclear ee sida halista ah wax u baa’bi,iya.

Like it? Share it!