Diyaarado dagal oo lagu arkayo Jubadda Dhexe iyo walaac ay muujinayaan dadka la degan Alshabaab

by Hassan Ali | Sunday, Mar 12, 2017 | 106 views

12,March,2017(SofoNews) Sida ay xaqiijinayaan dadka deegaanka diyarado joog hoos ku duulaya ayaa lagu arkayaya deegaano katirsan gobolka Jubbada Dhexe halkaasi oo ay gacanta ku hayaan Alshabaab.
Ilo wareedyo ku dhow dhow saraakiisha Jubbaland ayaa sheegy in Howl galkan oo muddooyinkii u dambeeyay diyaar garowgiisa laga dareemayay magaalada Kismaayo uu yahay mid isugu jira cir iyo dhul, iyadoo ay ka qeyb qaadan doonaan diyaarado dagaal.
Shacabka ku nool deegaanada gobolka Jubadda Dhexe ayaa waxaa soo food saaraty cabsi ku aadan qaabka ay wax u dhacayaan ayadoo ay ka wal walsan yihiin dagaalo halkaasi ka dhacay.
Diyaaradahan oo ah kuwa qumaatiga u kaca oo ay ku rakiban yihiin qoryaha ayaa la ogeyn dalalka laga leeyahay, balse waxaa la sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan gulufka dagaal ee Al-Shabaab looga saarayo Jubbooyinka.
Howl gallo ay si wadajir u fuliyeen Ciidamada Jubbaland, kuwa Kenya iyo Ciidamo mareykan ah oo diyaarado ay taageerayaan ayaa todobaadyo ka hor ka dhacay deegaano u dhow degmada Afmadow ee Gobolka Jubadda Hoose, waxaana ay weerar ku qaadeen saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen.
Al-Shabaab ayaa si buuxda gacanta ugu heysa Gobolka Jubadda Dhexe, waana gobolka kaliya ee ay si guud degmooyinkiisa u maamusho, waxaana la sheegaa inuu yahay gobolka ay ku sugan yihiin saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response