Diyaaradaha Mareykanka oo Shabaab ku duqeeyey SHabeelaha Hoose

by Hassan Ali | Thursday, Nov 3, 2016 | 216 views

3,November,2016(SofoNews) Diyaaradaha dagaalka uu leeyahay Mareykanka ayaa lagu soo warramaya in ay duqemo ku hayaan deegaano katirsan gobolka Shabeelaha hoose ayagoo bartilmaameedsanaya goobo ay ku sugan yihiin saraakiil katirsan Shabaab.

Deegaanka Yumbis oo ah goobtii ugu dambeysay oo la duqeeyeye ayaa Wararka waxaa ay   Sheegayaan in halkaasi ay Saldhig  weyn u ahayd    Al-shabaab  oo ay ka Soo abaabulaan  weerarada  lagu ay ku qaadayan ciidamada dowladda iyo xarumaha muhiimka ah.

Sida ay wararka sheegayaan goobta ay Duqayntu Ka  Dhacday  ayaa waxaa Ku Sugnaa  saraakiil iyo askar Ka Tirsan Al-shabaab   warka ayaa  intaa ku daray  in  qasaare   ka Soo  Gaaray  duqayntaasi.

  Mudooyinkii ugu dambeyeey ayaa Alshabab waxaa ay kordhinayeen dhaq dhaqaaqyada ay ku fulinayaan weeraro ayadoo dhawaan ay weerar ku soo qaadeen degmada Afgooye ee gobolka SHabeelaha Hoose.

Like it? Share it!