Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo duqeymo ka geystay Syria

by Hassan Ali | Friday, Apr 7, 2017 | 187 views

7,April,2017(SofoNews) Diyaaradaha dagaalka uu leeyahay Mareykanak ayaa lagu soo warramaya in ay duqeymo ku garaaceen dalka Siiriya ayagoo bartil maameedsanaya saldhigyada ciidamada dowladda.
Saraakiil katirsan wasaaradda gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa sheegey in 59 gantaal oo ah nooca Toma-hawk laga soo riday markab ciidanka badda ee Maraykanku leeyihiin oo fadhiya badda Mediterranean-ka waxaana la sheegey in amarkaasi uu ka soo baxay madaxweynaha Mareykanka Donal Trump.
Xukuumadda Washington ayaa ku sheegtey weerarkaasi in uu jawaab u yahay weeraar loo adeegsaday hubka kiimikada ah oo ciidamada Syria ay ka geysteen dalkaasi waxaana weerarkaasi ku dhintay dad shacab ah.
Goobaha duqeynta Maraykanka lagu garaacay waxaa ka mid ah garoon ay ciidamada cirka ee Suuriya ku leeyihiin magaalada Homs, halkaasoo Maraykanku uu sheegay in dayaaradaha dagaalka ee Suuriya ay ka qaadeen weerarradii hubka kiimikada inkastoo aan la xaqiijin karin qasaaraha halkaasi ka dhashey.
Ruushka oo ah saaxib la ah dowlada Suuriya ayaa dhowaan digniin ku bixiyey ficil kasta oo milateriga Maraykanku ka sameeyo Suuriya inuu yeelanayo cawaaqib xun.
Saraakiil Maraykan ah ayaa horey u sheegay inay qorshaynayaan talaabo milateri oo jawaab u ah weerarkii sunta kiimikada ah ee xukuumadda Suuriya ay u adeegsatay magaalo ay gacanta ku hayaan mucaaradka hubeysan ee ka horjeeda.

Like it? Share it!