Diyaarad sidda gar gaar oo ka soo degatay Muqdisho

by Hassan Ali | Tuesday, Apr 4, 2017 | 70 views

4,April,2017(SofoNews) Tan iyo markii abaartu ay ku dhufatay Soomaaliya waxaa soconayaya dadaalo dowladaha taageera Soomaaliy ay kaga qeyb qaadanayaan gurmadka abaaraha dalka
Turkish Airlines oo ah diyaarada laga leeyahay dalkaasi Turkiga oo wada raashiin gar gaar ah ayaa maanta ka soo degatay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Garoonka diyaaradaha magaalaad Muqdisho waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya oo goob joog ka ahaa deeqdaasi gar gaarka ah oo Turkiga ay keeneen Soomaaliya.
Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii Olole dhinaca Internet oo lacago loogu uruurinayay Abaaraha Soomaaliya ay sameeyeen bishii la soo dhaafay shaqsiyaad caan ah oo ay ka mid yihiin Jilaaga Ben Stiller, Colin Kaepernick oo ka tirsan Naadifa Ku/cagta Mareykanka ee NFL iyo xidigaha caanka ah warbaahinta bulshada sida Jerome Jarre ayaa 19 saacadood ku sameeyay lacag uruurin iyo dadkale oo caan ahaa.
Wuxuu Ninkan ka codsaday diyaarada Turkish Airlines in gargaar cunto ah u qaado Soomaaliya, si wax loogu qabto dadka abaaraha ay saameeyeen ee ay macluusha daran heysato.
Diyaaradda Turkish Airlines ayaa ugu dambeyn maanta fulisay codsigii loo jeediyay oo ahaa in hal duulimaad oo qaadi kara 60 ton oo cunto nafaqeysan iyo daawo u daabusho Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response