Diyaar garowga doorashada madaxweynaha oo laga dareemayo Muqdisho

by Hassan Ali | Monday, Jan 16, 2017 | 134 views

16,January,2017,(SofoNews) Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo laga dareemayo diyaar garow balaaran ee ku aadan doorashada madaxweynaha dowladda Soomaaliya, xili dhawaan la doortay guddoonka baarlamanka.

Kulamo gaar gaar ah iyo olole ku aadan u diyaar garowga doorashada ayadoo guddiga doorashooyinka, musharixiinta, iyo guddoonka baarlamanka Soomaaliya.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  Guddoomiye ku xigeenka koobaad C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey, Guddoomiye ku xigeenka labaad  Mahad Cabdalla Cawad ayaa lakulmay  guddiga hir gelinta doorashooyinka dadban ee heer Federaal ayagoo guddiga kala hadlay dhameystirka doorashooyinka.

Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer federaal Cumar Dhageey oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa warbixin ka siiyey Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya heerarkii kala duwanaa ay soo marsiiyeen hirgelinta doorasho dadban iyo maareynta kuraaska harsan waxaana uu dhinaca kale guddoonka ku wargeliyey in ay soo diyaariyeen habraaca loo marayo bedelka kuraasta hadii Xildhibaan geeriyoodo ama is casillo kaasi oo ah in dib loo qabto doorashada kursigaas.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo gebagebadii kulanka ka hadlay ayaa u mahad celiyey guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban heer federaal iyo heer dowlad goboleed, baarlamaannada dowlad goboleedyada, ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM waxaana uu dhanka kale u jeediyey codsi guddiga doorashooyinka, odayaasha dhaqanka iyo cid kasta oo saameyn ku leh dhameystirka doorashooyinka dadban taasi oo ah arin saameyn ku leh doorashada Madaxweynaha dalka.

Kulankan ayaa noqonaya kulankii ugu horeeyey ee ay si wadajir ah Guddoonka cusub ee Golaha Shacabka oo dhowaan la doortay ay ula qaataan guddiga doorashooyinka dadban waxaana ay bilow u tahay howsha loo ig maday Guddoonka cusub ee Golaha Shacabka.

Hotelada magaalada Muqdishio, madaxtooyada,iyo xarumaha kale ee muhiimka ah ayaa xiliyadii habeenkii ah si aad ah u mashquulsan,ayadoo siyaasiintu ay yihiin kuwo olole kala duwan u wada hadba musharaxa ku dhow.

Like it? Share it!

Leave A Response