Diyaar garow ku aadan doorashada guddoonka baarlamanka oo Muqdisho ka socota

by Hassan Ali | Tuesday, Jan 10, 2017 | 532 views

10,Januray,2017(SofoNews) Ayadoo maalinta beri ah lagu wado in magalaad Muqdisho ay ka dhacdo doorashada guddoomiyaha baarlamanka Sooomaaliya ayaa waxaa soconaya qaban qaabo ku aadan qabashada doorashadaasi.

Amaanka goobta doorashooyinka loo qorsheeyey in ay ka dhacaan oo ah dugsiga tababarka Gen Kaahiye ee magaalaad Muqdisho ayaa siweyn loo adkeeyeey waxaana halkaasi la dhigay ciidamo isku dhaf ah oo isugu jira nabad sugidda, booliska iyo ciidamada katirsan kuwa midowga Africa ee Amisom.

Doorashada oo u muuqataa mid aad u adag marka loo fiiriyo kuwii hore ayaa waxaa u taagan musharixiin cusub iyo kuwo hore uga tirsanaa dowladda waqtigeed uu dhamaaday.

Guddoomiyaha baarlamanka waxaa u taagan Max’ed SHeekh ISmaaan Jawaari, guddoomiyihii hore ee baarlamanka, C/rashiid Max’ed Xidig, Idiris Cabdi Dhaqtar iyo C/fataax Max’ed Ibraahim Geesey.

Sidoo kale xubno aad u farabadan ayaa u taagan xilka guddoomiye kuxigeenada baarlamaanka, waxaana lafilayaa in maalinta beri ah ay dhacdo doorashadaasi.

Hadal haynta magaalaad Muqdisho ayaa ah loo lanka siyaasadeed iyo isbedelada imaankara ayadoo ayadoo ay jiraan urur kalduwan oo siyaasadeed oo tartanka uu u dhexeeyo

 

Like it? Share it!