Diyaar garow dagaal oo ka soconaya magalaad Xudur

by Hassan Ali | Tuesday, Nov 1, 2016 | 231 views

1,November,2016(SofoNews) Magalaad Xudur ee xarunta gobolka Bokool ayaa ka soconaya dhaq dhaqaaqyo loogu diyaar garoobayo ka hortagga weeraro ay soo qaadaan ururka Alshabaab kadib markii ciidamada Itoobiya ay ka bexeen deegaano katirsan gobolkaasi.

Mas’uuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya,  maamulka Koonfur Galbeed iyo saraakiil Amisom ah oo dhawaan gaaray magalaadaasi ayaa u kuurgalaya xaaladda nololeed ee dadkii ka soo barakacay degmada Tiyeglow iyo deegaanada kale.
Waxaa ay kulan la qaateen Mas’uuliyiinta maamulka Gobalka Bakool iyo
saraakiisha Ciidanka Dowlada iyo kuwa Amisom ee ku sugan Magaalada
Xuddur ee Xarunta Gobalka Bakool iyagoona sidoo kale booqdey goobaha
la dejiyey shacabkii ka soo barakacay Degmada Tiyeeglow.
Gudoomiyaha Gobalka Bakool Maxamed Cabdi (Tall) oo ugu horey ka hadley
kulankan masuuliyiinta ay la qaaten wuxuu sheegey in qorshaha uu yahay
sidii loo xureyn lahaa guud ahaan Gobalka gaar ahaan goobihii dhawaan
ay soo galeen kooxaha nabadidka oo Tiyeeglow ay ka mid tahay.
Wasiirka Hubka dhugista dhaqan celinta iyo maleeshiyadka Maamul
Gobaleedka Konfur Galbeed Xassan Xuseen Maxamed ayaa Magaalada Xudur
ka sheegey in ka maamul ahaan ciidamada Konfur Galbeed ku sugan ee
howlgalada ku jira ay la garab taagan yihiin wax walbo oo ay ku howl
gali la haayeen.
Xikdhibaan Maxamed Isxaaq Xuseen Afaraale oo ka tirsan Baarlamanka
Soomaaliya ayaa ku baaqey in shacabka iyo ciidamaduba ay u diyaar
garoobaan la dagaakanka kooxaha nabad ka soo horjeeda ee Shabaab si
looga xureeyo deegaanadii dhawaan ay soo galeen iyo kuwii horey ay u
joogeen.

Kulankani ayaa ku soo beegmaya xili dad badan ay ka soo barakacayaan deegaano katirsan gobolka Bokool kuwaasi oo ka soo cararaya Shabaab markii ciidanka Itoobiya ay faarujiyeen goobihii ay ku sugnaayeen.

Like it? Share it!