Diwaan gelinta musharixiinta oo la soo geba gebeyeey

by Hassan Ali | Sunday, Jan 29, 2017 | 138 views

29,January,2017,(SofoNews) Waxaa  maanta is diwaangelisay 1ill dhowr musharax oo kamid ahaa C/laahi Ciil mooge Xirsi iyo Caddow Cali Gees waxaana lafilayaa in dhowaan loo qabto dood kulul oo ku saabsan hogaanka madaxtinimo.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Guddigooda uu qabtay shaqooyinkii loo idmaday islamarkaana ay u diyaar garoobayaan dhageysiga khudbadaha musharixiinta.

Musharixiinta dhaman ayaa ku dhow ialaa 20 xubnood oo qaar kood ay u muuqdaan in ay yihiin kuwo isku xulufeysanaya siyaasadda.

Musharax walba ee la diiwaan geliyay ayaa Bankiga Dhexe ku shubay lacag dhan $30,000, waxaana illaa iyo hada la qabtay lacag ku dhow Nus milyan dollar taasi oo 50% boqolkiiba loogu talagalay in loogu gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Dhanka kale guddoonka baarlamanka ayaa la kulmay guddi ka wakiil ahaa musharixiinta ayagoo ka wada hadlay hanaanka doorashooyinak iyo in si caddaalada loo simo musharixiinta dhamaan.

Like it? Share it!