Dilkii taliyihii booliska Shabeelaha Dhexe kadib oo howlgalo ka socoda Jowhar

by Hassan Ali | Sunday, Jan 22, 2017 | 141 views

22,January,2017(SofoNews) Kadib markii xalay magaalad Jowhar uu ka dhacay weerara Alshabaab ay ku soo qaadeen islamarkaana uu ku dhintay Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Shabellaha Dhexe Khaliif Cabdulle Carfaaye ayaa ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Saaka Baaritaano ka wada Xaafadda Kulmis ee Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.

Dilka taliyahaasi ayaa loo adeegsaday weerar bom gacmeed ah kaasi oo mas’uuliyadiisa ay sheegteen ururka Alshabaab, ciidamo aad u farabadan ayaa lagu arkaya xaafadaha magaalada Jowhar kuwaasi oo baariya isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Waxaana la sheegayaa in Ciidamada ay  Tiro Dad ah ay ku qab qabteen Howlgalka ay ka sameeyeen Xafadda Kulmis ee Magaalada Jowhar.

MAs’uuliyiin iyo saraakiil katirsan dowladda Soomaaliya iyo maamulka HirShabeele ayaa ka hadlay arrinkaasi.

Madaxweynaha HIrShabeele, guddoomiyaha baarlamanka iyo maamulka gobolka Shabeelaah Dhexe oo arrinkaasi siwada jir ah uga hadlay ayaa ku baaqay in la adkeeyo amaanka.

Like it? Share it!