Dilalka loo geysanayo Soomaalida Koonfur AFrica oo sii kordhaysa

by Hassan Ali | Wednesday, Mar 22, 2017 | 94 views

22,March,2017(SofoNews) Marxuum Cabdiraxmaan Cali Maxamed oo ah 21 jir soomaaliya isla markaana lagu dilay jimcihii lasoo dhaafay xaafada Gugulato ee magalada Cape Town dalkaani south africa ayaa waxa uu ku xayirnaa meydkiisa isbitaalka TYGERBURG ee magaladaani cape town.
Kadib markii ay diiday dowlada k/africa in la’ aaso marxuunka oo wax sharci ah aan kulaheyn dalkaani, hase ahaatee ugu danbeyntii dadaal dheer ay sameeyeen mas’uuliyiinta safaarada soomaaliya ee dalkaani south africa ayaa waxa ay ku guuleysteen in ay kagala wareegeen dowladda k/africa meydka marxuunka, waxaana lagu aaseen gelinkii dane ee shalay qabooraha muslimiinta ATHLONE.
Cabdullaahi Cali Xasan oo ah uqeybsanaha safaarada soomaaliya ee gobolkaani western cape ayaa warbaahinta qaranka soomaaliya kaga warbixiyey sida ay ugu suurta gashay safarada iney kagala wareegaan meydka marxuunka dowladda south africa ugu horeena waxa uu tacsi udiray shacabka soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan eheladii uu ka geeriyooday marxuumka.
Qaar kamid ah ehelada iyo dhalin yaradii uu lashaqeynayay marxuunka geeriyooday ayaa ka warbixiyey qaabkii loodilay waxayna sheegeen in ay siweyn uga xunyihiin dhacdooyinka lagu beegsanayo Soomaalida kunool dalka Koonfur Africa.
Sheekh Bahja oo kamid ah culimada kunool dalka Koonfur Afirica ayaa dhalanyarada ku booriayayay in ay isku duubnaadaan islamarkaana ay ka fogaadaan wixii qataro ku keeni kara.

Like it? Share it!

Leave A Response