Dibaxbaxyo salka ku haya sicir barar oo ka dhacaya Garoowe

by Hassan Ali | Sunday, Jan 29, 2017 | 157 views

29,January,2017(SofoNews) Mudaaharaadkan ayaa ka dambeeyey  kadib markii saaka Bulshada Garoowe ku ay arkeen  iyadoo gabi ahaanba ay xiran yihiin suuqyadii Ganacsiga Gaar ahaan suuqa wayn ee Hiliblaha iyo qudaarta ee inji.

Ganacsatada iyo Bulshada danyarta ah ayaa si wada jira h u samaynayay banaan baxaani nabadeed kaasi oo ay ku mareyeen wadooyinka kala duwan ee magaalada ujeedadooduna ahayd in dowladu is badal la taaban karo ku samayso qiimaha safirka dollarka iyo shilin somaliga.

Mudaaharaadayaasha ayaa socod dheer ka dib isugu yimid banaanka Hore ee aqalka Baarlamaanka Puntland halkaasi oo ay sheegeen inay cabashadooda u gudbisanayaan .

Guddoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar C/laahi farawayne oo dadka isu soo baxay la hadlayay ayaa sheegay in arintan sarifka dowladu xal ka gaartay cidii Bulshada dhib u keentana tallaabo cad laga qaadi doono.

Halka Dollar ayaa lagu kala sarifanayay todobaadadii ugu danbaysay suuqyada ganacsiga Puntland 28-29 kun oo shillin somali ah taasi oo durbadiiba si dhow u taabatay dadka danyarta ah .

Sidoo kale magaalaad Boosaaso ayaa kamid ah meelaha ay ka jiraan dhibaatooyinka sicirbararka lacagta iyo miciisahadda ayadoo maamulka Puntland uu go’aano arrimahaasi laxiriira uu soo saaray.

Like it? Share it!