Dhiigaygu Caana Maaha! (Sheeko-Sheeko)

by admin | Tuesday, Nov 10, 2015 | 906 views

Dhiigaygu Caana Maaha! Waxaan barta aalada facebook ku aqbalay wiil Soomaaliyeed oo ii soo dirsaday codsi. Markaan accountkiisa fiiriyay hay-ad ayuu u shaqeeyaa oo ajnabi ah. Wuxuu u dhoofaa gobolada dalka. Marka uu magaalo safar ku tago ee uu soo galiyo like ayaan u saaraa. Wax hadala iyo sheeko midna nama ay dhax marin shaqsiyan oo an ahayn like-taas uun. Waxaan maalmahaan dambe arkay inuu soo galiyo ereyo uu gabdhaha Soomaaliyeed ama aan iraahdee ( haweenka) Soomaaliyeed uu ku muujinaayo inay yihiin kuwa jirkooda raga ku qasba oo ku dirqiya. Waa siduu hadalka u dhigay’e ” marka ay i arkaan bay i dhahaan abowe Xamar Weyne maa u socotaa isii qaad, markaasaan iraahdaa mayee Liido ayaan u socdaa markaasay i tiraahdaa isii qaad, ileen waa qof rabta jaanis ay igu gaado qado haddii an ka bixiyo waa dhag dhag sheekadeeda saan rabo ayaan helayaa. Markaasaan ka diidaa oo dhahaa walaal maya.” BAL MUCJISADAAN ARKA– horta koow, waa nin sida u qoran 1981 inuu dhashay laakiin anigoo ku xeel dheer shaqadaydana an ku soo shaqeeyay baaritaanka bini-aadamka xagga sir-raadiskooda iyo baaritaanka qasaaraha ay geysan karaan markay rabaan inay dhacaan shirkad taasoo lagu yiraahdo afka qalaad ( fraud especialist), waxaan qiyaasay in da-diisu 42 jir ka yareyn. Haddii uu cimrigaas jiro waxaan filayay inuu waxyaabahaas oo kale isagoo og in Haween aqrin karaan iyo dad kaloo damiir leh inuuna baraha bulshada la imaan. Labo, horta haddii ay dhacday arintaas muxuu mar iyo laba iyo saddex usoo qoray? Muxuu walaashiis Soomaaliyeed uuna iyada oo ag joogto uuna qaladkeeda u sixin, waanin, uuna ugu noqon hadday qof dhalin yar tahay tusaale walaal toosiya oo tusa inay falin waxay fashay? Muxuu ku door-biday inuu facebook ku soo qoro, waliba ay ragga ugu jira waydiyaan ” war ma diiday, libaax maahid, jaanis aa ku dhaafay.”

muxuu ugu fikiray inuu halkaan looga sheekaysto sheeko gabar Soomaaliyeed iyo asaga dhax martay oo xataa la hubin inay dhacday balse gabadhii ma joogto oo iskama difaaci karto in lagu been aburtay iyo in kale? gabadhii magaceeda inkastoo uuna ku qornayn haddii gabar iyo asaga wax dhax maraan maxaa shacbiga inaad ugu sheegto ku qasbay? Muu guur gabar walaashii uu guuriyay noo sheego shacabka Soomaliyeed waaba u hambalyayn lahaayene. Ula jeedadaydu waxay tahay, gabdhuhu GUN maaha. Haddii uu gabar Soomaaliyeed uuba qoraalkiisa sidaa ugu dhaawacay ama magaceeda ha qariyo ama qoraaladiisa dambe ha ku sheegee, gabdhaha kale ee facebook kula saaxiiba ma Dhiig la-aan baa? Horta, aniga qoraalkiisii koowaad ayaan su-aal waydiyoo iri:” ma waxaad af cad inoogu sheegaysaa in adiga gabdhaha kaa leexan la’ yihiin oo aad diiday oo ceebta inaad halkaan soo dhigto.” Iimu jawaabin. Markale ayaan u qoray waxaan iri waxaan u malaynayaa kalsoonida ragganimo markay liidato cilmi nafsigu wuxuu sheegaa in qofku uu is gad gado is faan faaniyo, marka ma meeshaas ayay ciladu ka jirtaa. Mise waxaa wadaa fikirkii odayaashii fashiistayaasha ee ahaa ” naag inay ku damacdo haddaad rabto waxaa looga sheekeeyaa inta naag oo kaa daba ordaysa, markaas bay kugu waalane waliba ugu dar in aad diido mid walboo ku damacda.” Anigu ereyga ” Naag” ma isticmaalo balse waxaan tabinayaa hadalkii odayaasha fashiistayaasha ahaa. Macnaha anigoo waydinaya inuu day-day yahay oo hadduu facebook ku soo qoro gabar baa saas ina dhax martay in gabar damci doonto. Kolayba ula jeedadiisa asagaa yaqaan. Laakiin gabdhaha Soomaaliyeed waa gob, haddii ay qaldamaan ama dhalinyaranimo qaado waxaa haboon in la saxo oo qofkii tusaale fiican ku saxo laakiin in waa haddii ay run tahay’e lagu soo qoro facebook sax maaha. Ragga qaar wali ereyga ” libaax” ayay qalad ka fahan san yihiin. Libaaxnimadu ma in aad gabar walaashaa ah been ka sheegto oo wali ceeb been ah ka sheegto si ragga kale kuugu arkaan inaac qatar tahay baa? Wallee maya maya, ogoow beenta aad saaxibadaa ku qancinayso si ay kuu dhahaan waa ” Libaax” ay tahay marqaati aad ku marqaatiyaynayso dambi aadan galin balse kugu naqanaya inaad gashay. Libaaxnimadu kuma jirto lugahaaga dhaxdooda, hadday ku jirto kaligaa maxaad u tarmi waysay? Libaaxnimadu waxay ku jirtaa dadnimadaada iyo dabeecadaada iyo dad la dhaqan kaaga. Markaad gabar Soomaaliyeed aragtana ha u arkin warshad raaxo kaliya loo sameeyay ee u arag naf bini aadmi ah oo adiga kula mid ah oo leh caqli, maskax, wadno iyo damiir bini-aadanimo. Marka adigoo qatar iska dhigaaya qatar kale ha galin. Anigu dhiiga ma li’i ee waxaan go-aansaday inaan GAMO oo ka horna diintiisa aan faraha u saaro. Anigu DUMAR baan ahay ee ma ihi RAG. Damiirkaygana marnaba ima siinayo inaan af lagaadeeyo qof bini-aadmi ah anigoo jinsigiisa ku dulminaaya. Wax kale laga yaabe inaan isku qabano laakiin waa RAG ee caay ma dhacayso. Kolkaa, dhiigaygu inuu dhiil caano ahayn hala idin kugu dhaarto. Waxaan xataa diyaar u ahay in laamiga uu ii dhigo qofkaas wuxuu ii hayay. ‪#‎Joojidulmigahaweenka‬.

W/Q Fiican Farah Sindaco

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response