Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo ka soconaya gobolka Hiiraan

by Hassan Ali | Sunday, Nov 6, 2016 | 238 views

6,November,2016(SofoNews) Ayadoo dhawan Alshabaab ay weeraro ka geysteeen magalaad Baladweyne ayaa Ciidamada xoogga dalka howlgallo nabadsugid ah oo lagu xaqiijinaayo ammaanka ka fuliyay deegaanada duleedka ah ee magaalada Baladweyn oo  xarun gobolka Hiiraan.

Howlgalladaan ay ku dhaqaaqeen ciidamada ayaa wararku sheegayaan in ay ka socdaan deegaanada ku dhow Baladweyn iyo waddooyinka soo gala magaaladaasi, si looga hortago dhagaraha ay maleegayaan Al-Shabaab.

Guddiga amniga gobolka Hiiraan ayaa soo saaray go’aano lagu sugayo nabadgeliyada gobolka kadib markii SHabaab ay weerareen xerada ciidamaad Jabuuti ee magalaada Baladweyne.

Howlgalkaan ayaa lagu waramay in ay lala beegsanaayo Al-shabaab oo la tilmaamay in ay si dhuumaaleysi ah ku yimaadaan deegaanada ku dhow magaalada Baladweyn, halkaasi oo ay ka geystaan falal dil ah.

Like it? Share it!