Dhageyso: Xaaladda Dhuusamareeb Degan iyo dhaq dhaqaayadii ugu dambeeyay

by admin | Thursday, Mar 3, 2016 | 404 views

03 Mar 2016 (SofoNews) – Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in xaaladda ay degantahay kaddib dagaal ka dhacay halkaasi oo dhexmaray ciidamda Ahlusuuna iyo kuwo katirsan dowladda.

Goobaha ganacsi iyo kuwa Waxbarashada Magaalada ayaa Saaka dib u furmay,waxaana Magaalada laga dareemaya deganaansho sida dadka deegaanka ay ku warameen.

Ciidamo badan ayaa soo buux dhaafiyay magaalada oo taabacsan maamulka Suufiada Ahlusunna oo muddo katalinaya deegaanada gobolada dhexe.

Qaar kamid ah dadweynihii shalay ka barakacay magaalada ayaa haatan bilaabay in ay dib ugu soo laabtaan.

Halkan ka dhageyso xaaladda guud ee magaalada

Like it? Share it!