dhacdo layaab leh 15 oo loo heysto arggigixisanimo

by Hassan Ali | Friday, Apr 7, 2017 | 162 views

7,April,2017(SofoNews) Warar laga helaya loomaha amanaka dalka Dernmarka ayaa sheegaya in ciidamada amaankla wadankaasi ay gacanta ku dhugeen oo ay xireen gabar aad u yer taasi oo lagu eedeyeey in ay katirsantahay argigixisada caalamka.
Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyey inay qorsheynaysay gabadhan oo 15 sano jir ah weeraro ay ku qaaddo iskuul Yuhuudu leedahay oo ku yaal galbeedka magaalada Copenhagen iskuulkii ay iyadu wax ka baraneysay, waxaa sidoo akle lagu eedeeyey gabadhaasi oo aan magaceeda la sheegin in ay farsamaysay waxyaabaha qarxa.
Wararka ayaa sheegaya iney xili dhow qaadatay diinta islaamka, ayna xiriir la laheyd koox Facebook laga asaasay oo taageera urur la yiraahdo Xisbu tahrir.
Ururkan ayaa lagu maamnuucay waddamo badan, balse dalka Denmark ayaanan weli mamnuucin, waxayna muslimiinta ku dhiirri geliyaan aas-aasidda dalweyne iyo xukuumada islaami ah.
Maxkamadeynta gabadhaasi yar ayaan loo ogolaan doonin warbaahinta iney goob joog ka noqdaan sida ay sheegeen Booliska dalkaasi.
Hadal haynta ugu badan ee dunida ayaa ah talaabadaasi oo lagu maxakamadaynayo gabadhaasi oo da’ ahaan yer taasi oo caalamka ay ka yaabisay.

Like it? Share it!